Sablaale(INO)-Wararka naga soo gaaraya gobalka Shabeelada Hoose, gaar ahaana degmada Baraawe ayaa sheegaya in ay ciidamada dawladda Soomaaliya iyo Saaxiibadooda Milateri qorsheynayaan duulaan culus oo ay ku qaadayaan degmada Sablaale ee gobalka Shabeelada Hoose.
Gudoomiyaha degmada Sablaale ayaa sheegay in ay todobaadyada soo socda la wareegi doonaan magaaladaas, oo uu sheegay in ay dhib badan ku hayaan dagaalyahanada Shabaab.
Ciidamada dawladda iyo AMISOM ayaa hakiyey howlgalkii Badweynta Hindiya, kaas oo qorshuhu ahaa in uu gaaro meelo badan oo kamid ah gobalka Shabeelada Hoose, isla markaasna looga xoreeyo deeganadaas Xoogaga Shabaab ee gacanta ku haya.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Sablaale.