Dhageyso:Ciidamada Booliska KG Iyo Urarka Al Shabaab Ayaa Dagaal Ku Dhaxmarey Degaan Katirsan Degmada Berdaale

0
180

Berdaale(INO)Ciidamada Booliska Maamulka koonfur galbeed somaliya Kuwooda Ku Sugan Degmada Berdaale Ee Gobolka Baay Ayaa Waxaa Dagaal Ay Lagaleen Ciidamo Katirsan Urarka Al Shabaab Oo Ku Sugnaa Degaan Qiyaastii Degmada Berdaale Ay Ujirto 30KM Dagaalkaasi Ayaa Waxaa Uu Sababey Qasaaro Iskugu Jiraan Dhimasho Iyo Dhaawaq Sarakiilsha Horkacayaa Ciidamada koonfur Galbeed Somaliya Ayaa Waxaa Ay Sheegeen In Ay Urarka Al Shabaab Ay Kadileen Hal Qof Labo Kale Ay Kadhawaceen.

Dagaalkaan Ayaa yimid Kadib Markii Ciidamada Booliska Gaarka Ah Ee Koonfur galbeed Howlgalo Lagu Sugaayo Amaanka Degaanada Katirsan Degmada Berdaale Ay Kasameyeen Halkaasi,Gudoomiye Kuxigeenka Siyaasada Iyo Dhanka Amaanka Degmada Berdaale Cali Cadow Isaaq Ayaa Waxaa Uu Idaacada Risaala U Fahfaahiyey Howlgaladii Ugu Dembeeyey Laga Sameeyey Degaanada Ay Hoos Tagaan Degmada Berdaale Iyo Dagaalkii Ciidamada Koonfur Galbeed Somaliya Ay Lagaleen Koox Katirsan Urarka Al Shabaab.

Dhanka Kale Gudoomiyaha Ayaa Waxaa Uu Sheegey Howlgalo Badan Oo ay Sameeyeeen Ciidanka Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed In Ay Usoorta gasho In Degaano Badan Oo Hoostaga Degmada Berdaale In  Gacanta Ay Usoo Gasho Igoo Kaashanaayo Shacabka Degan Degmada Berdaale Iyo Degaanada Kale Oo Ka Tirsan Gobolka Baay Ee Maamulka koonfur Galbeed Somaaliya.

W/Q/Wariye Siidcali Muuse Maxamed (Ateera)