Dhageyso:Caziizo”Kala dambeyn iyo wada shaqeyn la’aan darteed ayaan xilkan isaga Casiley, Waxaan jirin Shaqo Qeexan”

0
593

Baydhabo(INO)- Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Barbaarinta Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee iskeeda u shaqo gashey Marwo Caziizo Sheekh Nuur ayaa Sheegdey inay Xilkaas isaga Tagdey ka dib markii ay Xustey in Khilaaf adag soo kala dhexgaley ayadu iyo wasiir ku xigeenka wasaaradaas Eng. Jibriil.

SAMSUNG CAMERA PICTURES

Caziizo ayaa sidoo kale Sheegdey in aan jirin Shaqo qeexan oo kala Hageyso Waajibaadka Wasaaradda, isla markaana waxay kale Tilaantey in ay ku laabaneyso Wadanka Denmarka ee ayadu horey ka timid.

” Kala dambeyn iyo wada shaqeyn la’aan darteed ayaan xilkan isaga Casiley, Waxaan jirin Shaqo Qeexan (Job Description)” ayey tiri Caziizo.

Marwo Caziiza ayaa xustey in aan ku imaanin wareegto Madaxweyne Aaden balse kaliye uu magacaawey Wasiirka Waxbarashadda iyo Barbaarinta KG Soomaaliya Mr. Sadaad Maxamed Caliyow, iyadoona mudii 9 bilood ee ay joogtey wasaaradda ay sharaxdey Waxyaabihii ay qabatey.

Caziizo ayaa sidoo kale  hoosta Ka Xariiqdey inay geedi u tahay magaalada Kismaayo isla markaana Xil Ka Qabaneyso Maamulka Jubbaland.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aden ayaan ilaa iyo haatan uusan Magacaawnin Agaasimiyaasha Wasaaradaha kala Gedisan Ee KG Soomaaliya isla markaana waxa jiro is barbaryaac Dhibaato badan oo curyaamiyey Hor usocoshada Wasaaradaha.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydbabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here