Dhageyso:Cabdiqaadir Nadara”Waan Ku Faraxsanahay Xilka La Ii Magacaawey”

0
337

London(INO)-Iyadoo Madaxweynaha Dowlada  Koofur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheikh Aadan uu Magacaabay Afhayeenka Dowlada Koofur Galbeed islamarkaana uu u Xushay C/qaadir Maxamed Cashar Nadaara oo ah Saxaafi Ruug cadaa ah ayaa waxaa Magacaabistaasi ka hadlay C/qaadir Nadaara.

nadaara

C/qaadir Maxamed Cashar Nadaara oo aan la Xariirnay  ayaa sheegay in uu Xilkaasi u Magacaabay Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan uu ku shaqeynayo,waxaana uu u Mahadceliyay Madaxweynaha Koofur Galbeed.

C/qaadir Nadaara oo loo magacaabay Afhayeenka Maamulka Koofur Galbeed ayaa hada ku maqan dalka Dibaddiisa gaar ahaan Magaalada London,iyadoona uu badalay Afhayeenkii hore ee Maamulkaasi Siyaad Sheikh Daahir.

Hallkan Ka Dhageyso,

Idale News Online, London, UK.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here