Dhageyso:Cabdi Iley oo Difaacay Liyuu Boolis Kadib Xasuuqii Gaashaamo

0
729

Jigjiga(INO)- Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia Cabdi Maxamuud Cumar (Cabdi Ileey) ayaa markii ugu horeysay ka hadlay xasuuqii ciidamada Ethiopia ay ka geysteen deegaanka Gaashaamo.

Cabdi Maxamuud Cumar, ayaa si cad u difaacay ciidamada Ethiopia oo xasuuq ka geystay deegaankaasi, kaasi oo sababay dhimashada ku dhawaad 50 ruux iyo dhaawaca in taasi kasii baday oo dad rayid ah u badnaa.

Wuxuu sheegay in dadka  dhibaatada loo geystay iney iyaga ka dambeeyay kadib markii dad uu ku tilmaamay kuwo dhoofinaya waxyaabo sharci daro ah ay qabteen ciidamada EThiopia, kadibna dadkii gaadiidka lahaa ay weerar kusoo qaadeen ciidamada.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ciidamada Liyuu boolis iyo kuwa federaalka Ethiopia iney halkaasi u joogeen xaqiijinta amaanka deegaanka weerarka uu ka dhacay, wuxuuna sheegay in dadka dhibaatada loo geystay ay ka dambeeyay waxii dhacay, sida uu hadalka u dhigay.

Deegaanka Jaamac Dubad oo ah halka ay wax ka dhaceen ayaa waxaa haatan ka taagan xiisad kadib markii ciidamo  badan ay halkaasi tageen.

Haddaba, Dhageyso Wareysiga Madaxweynaha DDS – Itoobiya uu Siiyay Radio SBS;

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay