Dhageyso:Biyo La’aan laga Soo Sheegayo Degaano Ka Tirsan Gobolka Gedo

0
230

GEDO(INO)–Wararka Ka Imaanayo Degaano ka tirsan gobolka gedo ayaa sheegayaan, in halkaasi ay ka jirto biyo la’aan bahsan isla markaana dadka halkaasi  degan  waxay qaylo dhaan u direen DF Soomaaliya, Hay’adaha samafalka  iyo  weliba Qurbojoogta Soomaaliyeed.

biyo.laan

Biyo yari aad u daran oo saameyn ku yeelatey nolosha dadka iyo duunyada ayaa waxaa lagu soo waramayaa in ay ka taagan tahay qaar ka mid ah tuulooyinka hoos yimaada degmada Garbahaarey ee Gobolka Gedo,iyadoo Biyo la’aantaasina la sheegayo in haatan ay gaarsiisan tahay heerkii ugu adkaa.

Tuullooyinka ugu daran ee Biyo la’aantu ay sida daran u saameysay ayaa waxaa ka mid ah Daabley, Godey, Caano maal ,Reysqode , Qadiidaa, Buraa iyo qaar kale waxaana jirin roobab is xig xiga oo aan halkaasi ka da’in, iyadoo dadka iyo duunyadu aad u liitaan.

Halkan Ka Dhageyso.

Sheekh Maxamed Deerow oo ka mid ah Odoyaasha Tuulada Daabley oo Garbahaarey u jirta ilaa 40 km ayaa Warbaahinta  u sheegay in xaaladda Tuuladaasi iyo kuwa kale dadka degan ay soo wajahday Biyo la’aan, isaga oo sheegay in fuustadii biyo ah ay ka gaartey Tuuladasi qiimo ahaan lacag dhan 80 kun oo Shilin Soomaali ah, taasi oo uu tilmaamay in dadka aysan awoodin.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka deegaanka markii hore in ay biyaha ka heli jireen Togag iyo waro, balse togagii iyo warahii biyaha oo gurey ayaa keentay in Biyo ganacsi ah ay gataan dadka, iyaga oo biyahana u doonanaya meelo 8 Km u jirta Tuulada, biyahaasina ma ahan ayuu yiri kuwo nadiif ah.

Ugu dambeyntii Dhibaatada Biyo la,aaneed ee ka taagan tuulooyinkaasi maalmahii ugu dambeeyey ayaa waxaa ay ka dameysay ka dib markii ay ka gureen tuullooyinkaasi waraha ,Togagii iyo ceelasha ay dadka biyaha ka heli jireen.

Idale News Online, Gedo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here