Muqdisho(INO)— Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa xilligan waxay cod qarsoodi ah ugu codeynayaan Guddiyada xuduudaha iyo doorashooyinka oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, kaasoo horay loogu gudbiyay Baarlamaanka.
Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa horay isugu afgartay in codeynta Guddiyadan madaxa banaan ay noqoto mid qarsoodi ah, isla markaana mid mid loogu codeeyo xubnaha Guddiyada Xuduudaha iyo doorashooyinka ka mid ah
Wararka aanu ka heleyno Xarunta Golaha shacabka ayaa sheegaya in la keenay labo sanduuq oo ay Xildhibaanada codkooda ku ridayaan, waxaana qaabkan codeyntan ay ka duwan tahay kuwii hore oo ay Xildhibaanada ay cod gacan taag ah ugu codeyn jireen.
Marka ay soo dhamaato codeynta, waxaa uu Guddoonka tirinayaan codadka, waxaana kama dambeys uu ku dhawaaqi doonaa natiijada codeynta ee Labadan Guddi.
Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maalmihii u dambeeyay dood ka lahaa Guddiyada xuduudaha iyo doorashooyinka oo kol hore ay meel mariyeen Golaha Wasiirada, waxaana Guddiyadan madaxa banaan howshooda qeyb ka tahay Hiigsiga sanadka 2016 oo la rajeynayo in Soomaaliya doorasho ka dhacaan.
Meelmarinta Guddiyadaan Madaxa bannaan ee Doorashooyinka iyo Xuduudaha ayaa haddii lagu guulaysto waxa uu noqonayaa in qayb ka mid ah u diyaar garowga Hiigsiga sannadka 2016’ka la gaaray maadaama sannadkaas la filayo in Soomaalia ay ka dhacaan doorashooyin Madax bannaan.
Idale News Online, Muqdisho