Dhageyso:Beelihii ku dagaalamayay gobalka Shabeelada Hoose oo heshiis kala saxiixday

0
284

Marka(INO)- Dowlada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay heshiis rasmi ah kala saxiixdeen beelo mudo dheer ku dagaalamayay gudaha gobalka Shabelada Hoose, isla markaasna isku haystay deegaanada gobalka iyo arrimaha la xariira dhulalka gobalka Shabeelada Hoose.

Wasiirka Dibu heshiisiinta ee Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdulqaadir Nuur Caraale ayaa sheegay in ay labada beeloodba heshiiska si rasmi ah qalinka ugu duugeen, wuxuuna sheegay in ay balan qaden in ay fulin doonaan qodobada heshiiskan uu ka kooban yahay.

Wasiir Caraale ayaa sheegay in mudo dheer ay beelahan dagaalamayeen, isla markaasna hada ay go’aansadeen in ay qaataan arrimaha nabadgalyada oo ay qeyb ka noqdaan dadaalada horumarinta gobalka Shabeelada Hoose.

Wasiirka ayaa sheegay in ay manta si rasmi ah usoo xiri doonaan shirkii lagu heshiinayay dhinacyada oo ka socday magaalada Afgooye, iyadoo uu joogo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aaden.

Halkan Ka Dhageyso.

Idale News Online, Xafiiska Afgooye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here