DhageysoBBC: Cudurka Jadeecada Oo Ka Dilaacey Degmooyinka Gobolka Bakool

0
225

Xudur(INO)- Cudurka jadeecada ayaa soo ritay  in ka badan  100 qof oo isgug jira carruur iyo dad waaweyn oo ku sugan  Degmooyinka iyo deegaano Hoostaga DegmadaXudur ee xarunta gobolka Bakool.

Cudurka ayaa ku faafaya Degmooyinka, Rabdhuure,Waajid iyo Xudur iyo lix tuulo oo hoos taga deegmooyinkaas oo dhammaantood aan lahayn xarumo caafimaad oo tayo leh.

Dr. C/Xamiin Macalin Aden, Agaasimah Cisbitaalka Degmada ayaa sheegay in uu soo arkay 120 qof oo la il-daran jadeecada oo isbitaalka iyo guryaha lagu hayo, qaarkoodna ay xaaladdoodu liidato. Tan iyo bishii Jannaayo oo cudurka uu billowday wuxuu sheegay inay u dhinteen 31 qof.

Halkan Ka Dhageyso

Ugu dambeyntii, Hay’adaha samafalka ayuu ka codsaday inay dadkaas gaarsiiyaan kaalmo caafimaad oo degdeg ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here