Baydhabo(INO)- Baarlamanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya ayaa maanta magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Bay ku yeeshey kal fadhi caadi ah isla markaana noqonaayo kii ugu horeeyey ee ay yeeshaan tan iyo markii dhawaan la caleemo saarey Gudoonka Baarlamanka Dowlada KG Soomaaliya.
Shirka oo ahaa mid uu albaada u xirnaa Baarlamanka isla markaana loo diidey Suxufiyiinta , ayaa markii uu soo dhamaadey waxa ka warbixiyey afhayeenka Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya C/qaadir Shariif Sheekhuna Maye.
Afhayeenka ayaa sheegey in maanta ay ka wada hadleen sidii loo sameyn lahaa Xeer hoosaad adag oo uu yeesho Baarlamanka Dowalda KG Soomaaliya, isagoona sheegey in Baarlamanka Dowlada Dhexe Ee Soomaaliya ay ku gacansiinayaan sidii dhidibada ugu istaagi lahaa BKGS isgoona xusey in Baarlamanka KGS ay ku jireen rag u baahan tababaro isla marakaana ku Cusub Siyaasada Soomaaliya.
Ugu dambeyntii, Afhayeenka Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka cambaarayey kana tacsiyadeeyey Werarkii Xeebta Liido Ee Magaalada Muqdiso.
Halkan Ka Dhageyso codka Gudoomiyaha BKGS
Idale News Online, Baydhabo