Muqdisho(INO)- Baarlamaanka Soomaaliya ayaa todobaadkii nasoo dhaafay oo dhan aan yeelan wax kulan ah wixii ka dambeeyey markii la waayay kooramka xubnaha baarlamaanka ee Soomaaliya, waxaana arrintaas keentay mooshinka laga doodayay ee baarlamaanka Jubaland looga soo horjeeday, kaas o aysan isku aragti ka aheyn xildhibaanada baarlamaanku.
Sababaha ayaa keenay dibu dhacyada fadhiga baarlamaanka oo ah arrimaha Mooshinka Jubaland, ayaa hadana ay doonayaan Mudanayaasha keenay mooshinkaas in la furo fadhiyada baarlamaanka, laakiin taas aragti ka gedisan waxaa qaba Mudanayaasha baarlamaanka.
Dooda ku aadan mooshinka Jubaland ayaa gaaray meel sare, waxaana aan la garan doonin sida ay usocon doonaan fadhiyada baarlamaanka, hadii uusan gudoonka baarlamaanku dhinac iska dhigin Mooshinkaas iyo arrimaha la xariira.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho