Muqdisho(INO)-Madaxda Dalka ayaa Xalay ka qeyb gashay Xaflada Xeritaanka Kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya oo lagu qabtay Xarunta Villa Hargeysa ee Magaalada Muqdisho.
Xaflada xeritaanka kalfadhiga 5-aad ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa waxaa ka qeybgalay ku simaha madaxweynaha dalka ahna Gudoomiyaha Baarlamanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, R/wasaare ku xigeenka Xukuumada Maxamed Cumar carte, xildhibaano, mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada iyo marti sharaf.
Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya Mahad Cabdalla Cawad oo Xaflada Xeritaanka ka hadlay ayaa sheegay in Kalfadhigaan Baarlamaanka Soomaaliya ay shaqooyin adag oo wanaagsan ay qabteen.
Sidoo kale Mahad Cabdalla Cawad Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in Kalfadhigaan 5-aad Baarlamaanka ay Xildhibaanada qabteen shaqooyin lagu amaano mudan.
Mahad Cabdalla Cawad ayaa Xukuumada Cusub kula dardaarmay iney wada shaqeyn joogta ah la yeelato Baarlamaanka, waxa uuna xusay in taasi ay horseedeyso in la gaaro hiigsiga cusub ee Sanadka 2016-ka
Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa la iminka galayaa fasax Mudo bil ah oo 15 ka mid ah ay ku soo qaadanayaan deegaanadii laga soo doortay si ay Warbixin guud ugu keenay Gudoonka Baarlamaanka.
Idale News Online, Muqdisho.