Muqdisho(INO)-Mudanayaasha Baarlamaanka Somaaliya oo Maanta kulan ku yeeshay Xarunta golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa ansixiyay Hindise Sharciyeedka Dhismaha guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka.
113 Xildhibaan oo ka mid ahaa Xildhibaanadii soo xaadiray Kulankii Baarlamaanka ee Maanta ayaa ogolaaday Hindise Sharciyeedka Dhismaha guddiga Madaxa Banaan ee doorashooyinka, waxa diiday 21 Xildhibaan sida uu ku dhawaaqay Natiijadii ka doo baxday codeynta Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Somaaliya Mahad Cabdalla Cawad.
Sidoo kale Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ansixiyay qaraar ku saabsanaa Taageerida Xawaaladaha Soomaaliyeed ee Dalka Mareykanka iyo qaraar kale o ku saabsanaa ku dhaqanka Qorista iyo hormarinta Afka Soomaaliga.
Dhanka kale Habeen dambe ayaa lagu wadaa in Xarunta Villa Hargeysa in lagu qabto Xaflada Xeritaanka Kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka sida uu Xildhibaanada ku Wargeliyay Gudoomiye ku xigeenka labaad ee Baarlamaanka Somaaliya Mahad Cabdalla Cawad.
Halkan Ka Dhageyso.
Waxa uu sidoo kale sheegay in ay jiri doonto in la abaal marin doono 16 Xildhibaan kuwaasi ooh al kulan aan ka maqnaan Kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka.
Bilowga Bishi September ee sanadkii 2014 ayay ahayd markii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu si rasmi ah u furay Kalfadhiga 5-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Idale News Online, Muqdisho.