Dhageyso:Axmed Madoobe “Shirka ugu dambeeya ee go’aanka lagu gaarayo Kismaayo ayuu ka dhacayaa”

0
233

Kismaayo(INO)— Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa sheegay in Kismaayo lagu gaari doono go’aanka ugu dambeeya ee shirka Madasha wada tashiga qaran ee looga hadlayo hanaanka doorasho ee Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso

Axmed Madoobe ayaa sheegay in la isku soo laaban doono, isla markaana la gaari doono heshiis, waxaana uu xusay in Soomaalida ay shirto, isla markaana isugu timaado.

“Hadaan nahay reer Kismaayo naguma cusba, marti gelinta waanu baranay, wax culeys ah nama saareyso, saxiixa ugu dambeeya Kismaayo ayuu ka dhacaa, sidaa la socotaan shirkii Garowe 1 iyo Garowe 2 ee 2012 looga gudbay marxalada siyaasada Soomaaliya”ayuu yiri Madaxweynaha Jubbaland.

War murtiyeed laga soo saaray Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu sheegay in wada xaajoodkii Kismaayo Madaxda Soomaalida uga wada hadleen sidii ay isugu waafaqi lahaayeen qaab doorasho oo wadar ogol ah, kaasoo waafaqsan Baaqii Muqdisho, isla markaana dowladda Federaalka dhowaan marti gelin doonto kulan kale oo lagu dhameyn doono waxyaabaha xaga farsamada, lana soo saari doono go’aanka ugu dambeeya

Shirkii ka socday Kismaayo ayaa noqday mid aan wax go’aan ah laga soo saarin, isla markaana Madaxda isku raacin qaab doorasho oo marxalada hada lagu jiro looga gudbayo, iyadoo dowladda Federaalka bilooyin uga harsan tahay muddo xileedkeeda.

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here