Dhageyso:Axmed Madoobe oo si kulul u Weeraray Dowlada Federaalka Soomaaliya

0
194

Kismaayo(INO)- Madaxweynaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam “ Axmed Madoobe” oo Warbaahinta la hadlay ayaa si adag u eedeeyay Dawlada Federaalka Soomaaliya iyo beesha Caalamka.

Axmed Madoobe waxa uu sheegay in Maamulkoodu yasmo ku hayaan Beesha Caalamka markii ay warqado Casuumaad ah usoo diraana lagu yiraahdo Maamulka Kumeel gaarka ah.

Axmed Madoobe oo ka xun arintaasi waxa uu sheegay in labo Sano ka hor Heshiis lagu kala saxiixday Adis Ababa Caasimada Itoobiya ay uga baxeen Kumeel gaarnimadii maamulkoodu ku shaqeenayey taasi badelkeedana ay ubaahan yihiin waxa lagu ximayo cadeyn in laga soo siiyo.

Axmed Madoobe ayaa sidoo kale Eedeyn kala dul dhacay Xafiiska Qaramada Midoobeey Ee Soomaaliya UNSOM isagoo sheegay in Jawaab deg deg ah ay ka rabaan oo ku aadan qaabka shaqo ay maamulkooda kula macaamilayaan deegaanada ay ka shaqeeyaan ee Jubbaland hoos yimaada.

Hoos ka Dhageyso 

Idale News Online, Kismaayo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here