Baydhabo(INO)- Kulan gaar ah oo looga hadlayay xaaladaha amaanka ee magaalada Baydhabo ayaa lagu qabtay magaaladaas, iyadoo ay maalmihii udambeeyey ay ka dhacayen falal amaan daro oo lagu dilay shaqsiyaad kala duwan.
Gudoomiyaha magaalada Baydhabo ayaa sheegay in ay ujeedadoodu tahay sidii loo xaqiijin lahaa amaanka magaalada, isagoo ugu baaqay shacabka oo dhan in ay la shaqeeyaan laamaha amaanka ee magaalada.
Odayaal iyo Haween ka qeybgalay shirkan ayaa shegay in looga baahan yahay dawladdu in ay la timaado qorshe lagu sugayo amaanka magaalada, isla markaasna wax looga qabanayo falalka amaan daro oo marar badan ku soo lab-laabtay magaalada.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Baydhabo