Baydhabo(INO)-Kulan ka dhacay Magaalada Baydhabo oo looga hadlayay Ammaanka ayaa waxaa looga dalbaday Maamulka Koofur galbeed in uu kordhiyo Ciidamada Booliska, si ay u daboolaan baahida dhinaca Ammaanka.
Gudoomiyaha Magaalada Baydhabo, Xassan Macalin Axmed Biikoole ayaa sheegay in baahida ugu weyn ee hadda taagan ay tahay in la helo Ciidamo Boolis ah oo ka howllgala dhammaan xaafadaha ay kooban tahay Magaalada.
Maalmo ka hor ayey ahayd markii Gudoomiye Waaxeedyada Baydhabo ay sheegeen in aysan heysan Ciidamo ku filan Nabadgalyada, taasi oo ay u sababeeyeen falalka ammni daro ee ka dhaca Magaalada.
Magaalada Baydhabo, waxaa marar is xigxigay ka dhacay dilal qorsheysan oo loo geystay Culumaa’udiin, falkii u dambeeyay ayaa lagu dilay 3 Qof oo uu ku jiray Wariye ka tirsanaa Radio Baydhabo.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Baydhabo