Hiiran(INO)-Ururka Alshabab ayaa gantaalo ku tuuray magaalada Buulobarde, iyada oo la soo warinayo in duqeymahaas ay afar ku dhaawacmeen. Arrintan ayaa imanaysa iyada oo dawladda Somalia ay xabsi-guri dhigtay qaar ka mid ah mas’uuliyiinta magaalada oo lagu eedeeyey inay lunsadeen raashin loo waday dadka u baahan ee degmada.
Labadaan weerar oo ka kala dhacay xalay sagaalkii fiidnimo iyo labadii Habeenimo, ayaa kusoo beegmaya, xili la sheegay in gudoomihihii iyo duqii Buuloburde ay Xabsi guri galisay doowlada Soomaaliya, sababo la xiriira raashin mucaawino ah oo shacabka loogu tala galay oo la lunsaday.
Magaalada Buuloburde, ayaa weli go’doon maleeshiyada ururka Alshabaab oo dhinac walba ka fadhiya, islamarkaasna mamnuucay, in gawaarida ganacsiga magaalada gala ama kasoo baxa ay dhaqdhaqaaqaan.
Kusimaha Gudoomiyaha degmada Liibaan Cabdi Burusoow, ayaa wareysi uu siiyay VOA. uga waramay weerardii xalay.
Halkaan ka dhagayso wareysiga: