Awdheegle (INO)—Wararka laga helayo Degmada Awdheegle ee Gobolka Sh.Hoose ayaa sheegaya in Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab ay gelinkii dambe ee maanta halkaasi ku Dileen ugu yaraan labo Ruux.
Goobjooge la hadley Idale News Online ayaa sheegay in Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab ay toogasho ku Dileen labadaasi Ruux oo ay Xarakadu ku eedeeyeen la shaqeynta Dowlada Soomaaliya.
Magacyada Raga ay Shabaab Fagaaraha ku toogteen
1-Cabdi Eeney Deerow 33 jir, AlShabaab-na ay ku eedeeyeen inuu AMISOM u qaabilsan qodista difaacyada.
2-Asad Mayow Xaaji Cismaan 20 Jir ah, ayna Shabaab ku eedeeyeen inuu ahaa Xubin Ka Tirsan Nabadsugida dowlada federaalka.
Aabo dhalay labada qof ee la dilay midkood oo la hadlay Idaacadda Shabelle ayaa sheegay in Willkiisa uu ka shaqeyn ka jiray Warshad Barafka lagu iibiyo oo ku taala Magaalada Buurhakaba ee Gobolka Baay.
Aabahan oo magaciisa sababo amaan u qaraiyay ayaa sidoo kale waxuu tilmaamay in Wiilkiisa uu joogay Degmada Awdheegle 20 maalmood oo qura maanta ay Dileen sida uu hadalka u yiri Dagaal yahano ka tirsan Xarakada Al Shabaab.
Degmada Awdheegle ayaa in ka badan 3 bilood waxaa gacanta ku haya Dagaal yahano ka tirsan Ururka Al Shabaab kadib markii halkaasi ay isaga soo baxeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Awdheegele