Dhageyso:Al-shabaab oo Afgooye ku Dilay Haweeney Ganacsato ah

0
206

Afgooye–(INO)– Maamulka Degmada Afgooye ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Radio Kulmiye u sheegay in Dagaalameyaasha Al-shabaab ay Dad Rayid ah Gudaha Degmada ugu geysteen Dil iyo Dhaawac intaba.

Dadka lagu dilay Degmada Afgooye ayaa waxaa kamid ah Xabiibo Cali kamid ah Ganacsatada ugu waa weyn Gudaha Degmada Afgooye,waxaana Maamulka Degmada Afgooye ay sheegeen in Xabiibo Cali lagu dhex dilay Beerteeda oo ku taalla Afgooye.

Sidoo kale waxaa Maamulka Degmada Mas’uuliyiin u hadlay ay noo sheegeen in ay jiraan Dad Rayid ah oo Al-shabaab ay beegsadeen,kuwaas oo dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen.

Halkaan Hoose ka dhageyson Codka Afgooye.