Marka ( INO))-Kaidb markii Al Shabaab tiro Madaafiic ah la beegsadeen Saldhig Ciidamada AMISOM ay ku leeyihiin Deegaanka Buufow Bacaad ayaa dhankooda Ciidamada AMISOM waxaa lagu soo warramayaa in xalay duqeymo Madaafiic ah in ay ka geysteen deegaanka Buufow Bacaad ee Gobolka Shabeelaha Hoose kuwaas oo u muuqday jawaab celin.
Walow aan la ogeyn khasaaraha ay geysteen Madaafiicda ku hoobtay Xarunta Ciidamada AMISOM hadana kuwa ay ku garaaceen deegaanno rayidka ay degan yihiin ayaa la xaqiijiyay in 2 qof ay ku dhinteen oo ku noolaa deegaanka Janaale ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dadka deegaanka ayaa Shabelle u xaqiijiyay in ay maqlayeen xalay daryanka Madaafiic aad u cul culus oo labada dhinac ay isweedaarsanayeen.
Muddooyinkii dambe ayaa waxaa sii xoogeysanayay weerarada Al Shabaab ay ka fuliyaan Gobolka Shabeelaha Hoose.
Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay