Dhageyso:Ahlu Suna Oo Beenisay in Ay Axmed Cabdisalaan U Diiday Gobalka Galguduud

0
196

Guracel(INO)- Saraakiisha Ahlu Suna Waljameeca oo gacanta ku haya magaalooyinka Caabudwaaq, Guriceel & Dhuusa-Mareeb ee gobalka Galguduud ayaa waxba kama jiraan ku sifeeyey warar shalay soo baxay oo sheegayay in Siyaasiga Axmed Xaaji Cabdisalaan oo ka soo jeeda gobalkaas loo diidey in uu ka dago Guriceel & Dhuusa-Mareeb.

Sarkaal sare oo kamid ah kooxdan ayaa sheegay in aysan dhankooda bixin amarkaas, uuna yahay war ay ka maqleen oo kaliya Saxaafada, wuxuuna sheegay in aan cidna Axmed Cabdislaaan u diidi Karin magaalooyinka Ahlu Suna maamusho.

Mar la weydiiyey cida ay ka amar qaataan ciidamada tagey garoomada Guriceel & Dhuusa-Mareeb ayuu ku sifeeyey in ay halkaas u tageen sugida amaanka garoomadan oo ay horeyba ciidan hore ugu joogeen.

Mursal Sheekh Yuusuf Xeefow ayaa cadeeyey in ay diyaar u yihiin soo dhaweynta wafdigan, balse wuxuu sheegay in aysan aqbali doonin wafdi ka socda maamulka magaalada Cadaado oo ka mid noqdo xubnaha Wafuudan Odayaasha & Siyaasiinta ah.

Idale News Online, Guracel

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here