Dhageyso:Abaaro Adag Oo Ku Dhuftey Koonfurt Galbeed Soomaaliya

0
188

Baydhabo(INO)-  Xilli Abaaro saameeyay xoolaha iyo dadkaba laga soo sheegayo Degaano ka tirsan Koonfur Galbeed ayaa waxaa arrimahaasi ka hadlay Mas’uuliyiin ka tirsan Koonfur Galbeed  Soomaaliya.

Kulan ay yeesheen Wasiirada Beeraha, Xanaanada iyo Xoolaha, Qorsheynta iyo Gudoomiyaha Gobolka Bay ayaa waxaa si aad ah loogaga hadlay sidii loogu gurman lahaa dadka ay Abaaraha saameeyeen.

Mas’uuliyiinta Koonfur Galbeed ayaa sheegay dadka ay Abaaraha saameeyeen in ay ka soo carareen goobihii ay deganaayeen oo ay yimaadeen Magaalada, waxaana Hay’adaha gar gaarka ay ugu baaqeen in gar gaar deg deg ah ay la soo gaaraan Dadkan.

Qaar ka mid ah Wasiirada Koonfur Galbeed ee ka qeyb galay kulanka ayaa ka hadlay Abaaraha ka jira Degaanada Koonfur Galbeed.

Inka badan 50,000 oo caruur ah oo ku sugan dalka Soomaaliya ayaa la sheegay in ay wajahayaan xaalad qatar ah sababo la xiriira abaaro ka jira qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya, sida lagu sheegay warbixin ay soo saartay Qaramada Midoobay.

Halkan Ka Dhageyso