Dhageyso:4 Cunug oo Gaari Ku jiiray Degmada Dharkiinley

0
318

Muqdisho(INO)- Wararka inaga soo gaaraya Xaafada Xoosh ee Degmada Dharkiinley ayaa sheegaya in Afar caruur ah oo wada dhashay uu gaari ku jiiray Degmadaasi.

Gaarigaan oo noociisa uu yahay midka raaxada ayaa bareegi laga waayay, xilli uu ku socday Xawaare dheereeya, waxaana taasi ay keentay inuu galo Baabuurka goob Dugsi ah.

Dugsiga oo Caruurta ay wax ku baranayeen ayaa waxaa halkaasi uu Baabuurka ku jiiray Afar caruur ah oo wada dhashay oo halkaasi Khasaare kala duwan uu ka soo gaaray.

Wararka waxa ay sheegayaan in labo crauur ah halkaasi ay ku geeriyoodeen sida dadka deegaanka ay inoo xaqiijiyeen, halka ay dhaawacmeen labo kale.

Labada caruurta ee dhaawacantay ayaa loo qaaday goobaha caafimaadka halkaasi oo lagu dabiibayo.
Wadihii gaariga ayaa gacanta lagu soo dhigay, waxaana ka xeeyay ciidamada ammaanka Degmada Dharkiinley oo baaritaan ku haayo.

Gaadiidka oo waayahan dambe Magaalada Muqdisho dhexdeeda marka ay marayaan ayaa waxa ay sababaan Khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Muqdisho