Dhageyso: Yusuf Xasan Mursal ” Shariif Xasan Waxa La Siyey 26 Bilood Oo Tijaabo Ah, Iminka Dan Kuma Jirto In uu Sii Ahaado Madaxweyne”

0
218

Muqdisho(INO)- Yusuf Xasan Mursal oo ka mid ah Siyaasiyiinta Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku eedayey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xaan Sheekh Aaden Xil gudusho  la’aan iyo weliba in dhaqaallihii Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo kuwii Beesha Caalamka ay ugu Deeqeen KGS  Uu ku dhameeyey Safaro tiro badan oo  aan  faa’ido u lahayn Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ay la daala dhacayaan  Colaad, Abaaro iyo Cudurka Shuban Biyoodka.

Yusuf Xasan Mursal, ayaa xusey in shariif Xasan Sheekh Aaden la siyey waqti ku falan oo uu wax badan isbedel ku sameyn lahaa hogaanka iyo Hanaanka Dowladnimo Ee Koonfur Galebed, isagooan xusey in uusan marnaba rabin in uu dhismo Maamul Subaan oo hufan iyo weliba in uu u soo jeesto Arimaha Koonfur Galbeed Soomaaliya.

“Hogaankaasi, Ma ahan mid dan u ah  Bulshada Degta Koonfur Galbeed, iyo mid wax u soo wado, waxaa la siyey waqti ku filan oo wax badan lagu agaan  karo wixii isaga qaban karo iyo wixii uusan qaban karin, waa mudo 26 Bilood, waanu ku fashilmey” ayuu yiri Yusuf Xasan Mursal.

Dhawaan ayaa la sheegey in 80 % Shariif Xasan uu ka maqan yahay Magaalada Baydhabo tan iyo markii  uu Noqodey Madaxweynaha KGS isla markaana Waxa habacsanaan baahsan iyo dacayaad ka muuqata  Hay’adaha Dowlada KGS.

Ugu dambeyntii Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa waxa lagu dhaliiley Xil gudosho la’aan iyo dantiis raadsasho xili Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya ay haysto abaaro iyo Cuduro, taasoo keentey in Xubno ka tirsan Baarlamanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ay bilaabeen diyaariyaan Mooshin ka dhan ah Shariif Xasan oo ku mashquuley dantiisa isagoona ku milmey dowlada dhexe horey u sii watey Shaqaallaha Madaxtooyada Koonfur Galbeed.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo