Muqdisho(INO)-Wasiirka wasaarada amniga xukuumada Soomaaliya mudane Cumar Max’ed oo la hadlay VOA-da Laanteeda Af-ka Soomaaliga ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee ka dhacay Hotel Central ee magaalada Muqdisho halkaasi oo lagu dilay mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada kuwo kalena lagu dhaawacay.
Wasiirka amniga ayaa ugu horeyn ka tacsiyadeeyay weerarkaasi,isagoona sheegay in dabacsanaan dhanka maamulka Hotelka ka timid ay fududeysay inuu dhaco weerarka.
Wuxuu sheegay Cumar Max’ed in hada gacanta ay ku hayaan 13- ka mid ah ilaalada Hotelka iyo mas’uuliyiintooda kuwaasi oo ay baaritaan ku socdaan.
Haweeneyda isku qarxisay ayuu tilmaamay wasiirka amniga gudaha inay mudo ka shaqeyneysay Hotelka,islamarkaana ka timid dalal ku yaalo qaarada Yurub,isagoona ka gaabsaday inuu shaaciyo dalka sida rasmiga ah kaga timid Haweeneydaasi is qarxisay.
Sidoo kale,wasiirka amniga xukuumada Soomaaliya oo hadalkiisa sii wata ayaa shaaca ka qaaday in ninka ka qabay Haweeneydan uu ku dhintay Muqdisho sababta uu u dhintay baaritaano ay ku hayaan. Baaritaanka weerarka ayaa wali socda waxaana u xiran mas’uuliyiin Dowlada ka tirsan.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho