Maka(INO)– Wararka naga soo gaaraya degmada Tooratarow ee gobalka Shabeelada Hoose ayaa sheegaya in Maleeshiyo ka tirsan kooxda Shabaab ay xalay toogteen Aabe iyo Wiil uu dhalay deegaankaas, waxaana ay kala tageen gurigooda oo kuyaala magaalada Tooratarow udhaw.
Saraakiisha amniga ayaa sheegay in ay hayaan xogo sheegaya in ay Shabaab ahaayeen kuwii ka dambeeyey dilkan, ayagoo tilmaamay in ay wadaan baaris guud oo la xariirta arrimaha dilkaas.
Wararka ayaa sheegaya in uu Odeyga la dilay uu ahaa nin caanka ah gobalka Shabeelada Hoose, isla markaasna horay uga qeybgalay shirar looga hadlayay amaanka, iyadoo ay Shabaabna marar badan Hanjabaado telfoon soo gaarsiiyeen.
Gudoomiyaha degmdaa TooraTarow ayaa sheegay in ay dawladdu qaadi doonto talaaboyin dheeraad ah oo lagu sugayo amaanka degmadaas iyo deegaanada udhaw dhaw.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Marka