Dhageyso: Xildhibaano Ka Tirsan BKGS Oo Ku Baaqday in Musharax Shariif Xasan Doorashada Laga Joojiyo

0
197

Muqdisho(INO)- Wasiirka Diinta iyo awqaafta Koonfur Galbeed Soomaaliya Axmed Maxamed Barre (Macalin Barre) oo la hadlay Warbaahinta ayaa ugu baaqay Beesha Caalamka iyo dowladda Soomaaliya in laga joojiyo Musharaxnimada Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wasiirka ayaa sheegay in Shariif uu ku fashilmay hogaaminta Maamulka Koonfur Galbeed ,islamarkaana aysan suurta gal aheyn in uu u tartamo Madaxweynaha Soomaaliya.

Dowladaha Caalamka ayuu ugu baaqay in Shariif laga mamnuuco doorashada. Waxaa uu sheegay in Wasiirada iyo xildhibaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya aysan waxba u qaban bulshada.

Horay ayaa Wasiiro iyo sidoo kale Aqoonyahano kasoo jeeda Koonfur Galbeed ay u sheegay in Shariif uu ku fashilmay hogaanka  Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Halkan Ka Dhageyso

Audio Player