Dhageyso: Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka soomaliland oo jirdil iyo xabsi la isugu daray

0
219

Muqdisho(INO)- Wararka ka imaanaya magaalada hargeysa ee maamulka soomaliland ayaa waxa ay sheegayan in xildhibaano ka tirsan golaha wakiilada lagu jirdilay halkaasi kuwa kalana xabsiga la dhigay.

Ilaa seddex xildhibaan ayey ciidamada ammaanka ay xabsiga dhigeen 6 xildhibaan kalana dhaawac ayaa soo gaaray markii jirdil loo geestay.

Xildhibaanadaan ayaa ka horyimid heshiis maanta ay ansixiyeen golaha wakiilada soomaliland kaasi oo ay horay u wada galeen soomaliland iyo Imaaraadka carabta.

Heshiiskaan waxa uu ku saabsanyahay in imaaraadka uu saldhig milatari ka sameysto magaalada berbera waxaana heshiiskaan maanta meel mariyay golaha wakiilada inkastoo gacan ka hadal uu dhaliyay iyo muran xoogan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka maamulka Somaliland Cabdiraxmaan Ciro ayaa sheegay in heshiiskaan uu yahay mid sharci daro ah xildhibaanada lagu qasbay in ay meel mariyaan.

Dadka reer soomaliland iyo siyaasiyiinta badankood waxa ay ka soo horjeesteen heshiiskaan ay dowladu la gashay imaaraadka carabta.