Xildhibaanada ka horjeeda mooshinka ka dhan ah ra’iisal wasaaraha Soomaaliya ee la doonayo in kalsoonida lagala noqdo ayaa ku wargeliyay beesha caalamka iyo madaxda Soomaaliya in wixii beri ka yimaada Fadhiga Baarlamaanka ee dhibaato ah dusha saaran doonaan gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya iyo madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud.
Xildhibaanada Cabdi Barre Yuusuf oo ka mid ah xildhibaanadii maata kulmay ayaa kulanka ka dib waxyaabihii ka soo baxay kulankaasi uga hadlay Saxaafada.
Wuxuu Xildhibaan Barre sheegay in cawaaqib xumada ka dhalata shirka beri ee xildhibaanada isugu imaanayaan,islamarkaana looga doodi doono kalsooni kala noqoshada xukuumada uu hogaamiyo C/wali Sheikh Axmed ay mas’uuliyadeeda qaadi doonaan gudoonka Baarlamaanka, madaxweynaha dalka Soomaaliya. Iyo xildhibaano uu sheegay inay wadaan mooshin sharcidaro ah.
Halkan Ka Dhageyso
Xildhibaanka ayaa isago hadalkiisa sii wata wuxuu intaasi ku daray inaysan aqbali doonin hadii ay xildhibaanada mooshin uu ku tilmaamay inuusan dan u ahayn xukuumada iyo umada Soomaaliyeed sida uu hadalka u dhigay.
Arintaan ayuu sheegay xildhibaan Cabdi Barre Yuusuf inay dhibaato iyo dib ugu noqsho bur ku tahay xukuumada Soomaaliya,wuxuuna carabka ku adkeeyay in loo daayo in xukuumada howsheeda sii wadato.
Xildhibaano iska soo horjeeda ayaa maanta kulumo gaar gaar ah ku yeeshay Muqdisho iyagoo mid dhankiisa uu kaga hadlay sida uu beri fadhiga u wajahayo.
Idale News online, Muqdisho