Muqdisho(INO)- Xildhibaanada golaha Shacabka oo uu hogaaminayo Maxamed Sheekh Cusmaan iyo sidoo kale xildhibaanada Aqalka Sare oo uu hogaaminayo Cabdi Xaashi Cabdilaahi ayaa maanta kulmaya Muqdisho.
Xildhibaanada ayaa waxaa ay ka wada hadli doonaan arimo badan oo khuseeya doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Sidoo kale kulankaan ayaa ah mid lagu xoojinayo xiriirka ka dhaxeeya Aqalka Sare iyo sidoo kale golaha shacabka.
Xildhibaanada Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah xildhibaanada golaha Shacabka oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in kulanka ay maanta yeelanayaan xildhibaanada qodobka ugu muhiimsan oo looga hadlaayo uu yahay doorashada Madaxweynaha Soomaaliya.
Waxaa uu sheegay in la magacaabi doono guddiga ka kooban labada Aqal oo ka shaqeyn doonaan doorashada Madaxweynaha.
Guddigaan ayaa ka shaqeyn doonta doorashadda madaxweynaha hanaanka ay u dhacayso iyo ku dhawaaqida xiliga rasmiga ah ee la qabanaayo doorashadda madaxweynaha.