Muqdisho(INO)-Waxa aad looga dareemayaa Magaaladda Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay, qaban qaabo balaaran oo loogu jiro Xulida Baarlamaanka Dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Waxaa ku howlan xulida Baarlamaanka gudigii loo xilsaaray in ay soo xulaan baarlamaan matali kara maamulka koonfur galbeed oo ay xaruntiisu tahay Magaaladda Baraawe ee Gobalka Shabeelaha Hoose.
Kulan looga hadlayay soo xulista Xildhibaanada Dowlada Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa waxaa Magaalada Baydhabo Janaay ku qaatay Odayaasha Dhaqanka iyo Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Malaaq Deeroow oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in hada la guda galayo xulista Barlamanka Maamulka taasi oo uu sheegay in ay isla garteen Madaxweynaha in la dadajiyo.
Maxamed Aadan ayaa Warkaan kasoo diray Baydhabo Janaay.
Idale News Online, Baydhabo.