Muqdisho(INO)- Mudanayaal ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ee waday mooshinka looga soo horjeeda Nidaamka Faderaalka iyo baarlamaanka Jubaland dhismihiisa ayaa sheegay in uusan saameyn doonin safarka Raysalwasaaraha Soomaaliya iyo xubno ka tirsan labada gole ee dawladdu ku tageen magaalada Kismaayo.
Xildhibaan Daahir Aamiin Jeesow oo inta badan ku caan baxay duminta wixii wanaagsan oo ay dadku soo doortaan ayaa sheegay in aysan marnaba aqbali doonin wax kasta oo xal ah oo Raysalwasaaraha iyo wafdigiis ka keenan magaalada Kismaayo.
XildhibaanJeesow ayaa sheegay in ay dhankooda aaminsan yihiin in sharciyad uu uleeyahay baarlamaanka Soomaaliya meelmarinta iyo la socodka baarlamaanadan, waxaana muuqata in uu doonayo in siyaasadooda ay fuliyaan.
Warar ay heshay Shabakadda Warbaahinta Idale News Online, ayaa sheegaya in Madaxda dawladda Soomaaliya iyo gudoonka xubno kamid ah ay gadaal ka riixayaan mooshinkan oo ay lacago ku bixinayaan, iyadoo ujeedadu tahay in dib loo nooleeyo khilaafyadii udhaxeeyey dawladda Muqdisho iyo dawladda Jubaland.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Muqdisho