Baydhabo(INO)- Gudoomiyaha Arimaha dibadda Baarlamana Federalka Soomaaliya Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa oo wareysi Xiiso badan Siyey Shabakada Idalenews.com ayaa ka hadley xariirka Loo jarey Dowlada Iraan, isla markaana qiib ka noqotey Dowlada Federalka Soomaaliya, taasoo ka dambeysey ka dib markii Safaaradda Sacuudiga ay ku lahayd Magaalaa Tahran La gubay.
Xildhibaan Prof. Maxamed Cumar Dalxa ayaa sheegey in Dowlada Soomaaliya ay ku deg degtey Xariir u jarka Dowlada iiraan iyo erinta Diplomaasintii ka joogtay Caasimada Dalka isla markaana waxa uu xusey in aysan wanaagsanin in Cadaawada laga dhex abuuro Dowladaha Caalamka Islaamka.
Sidoo kale waxa uu xusey in dowlada Boqorttooyada Sacuudi carabiya ay dhibaateyneyso Muwaadinta soomaaliyeed ee halkaas gaara iyagoona dhigaya xabsiyada iyo weliba ayna soo tarxiishaan taasoo uu sheegey inay tahay arin lagu naxo iyo aduunsi.
Dowlada Federalka Soomaaliya ayaa la sheegeyin markii ay erisey Diplomaasiyiintii Iraan ee ka joogey dalka Soomaaliya ay ka heshey dowlada Sacuudi carabiya aduun dhan $50 million, taasoo dowlada soomaaliya ay sheegtey in aysan isku xirneyn caawinaad iyo weliba xariirka loo jarey Iraan.
Halkan Ka Dhageyso wareysiga Af-maay
Idale News Online, Baydhabo