Xilli uu sii kordhaayo khilaafka Madaxweynaha iyo Ra’isul wasaaraha Soomaaliya kaasoo salka ku haayo codsiga Madaxweynaha ku doonaayo inuu Ra’iisul Wasaare Saacid iscasilo ayaa waxaa soo baxaya kala aragti duwaanaan xaga dastuurka iyo guud ahaan xildhibaanada bBaralamaanka Soomaaliya oo si aad ah ugu kala qeybsamey labada dhinac ee khilaafka u dhaxeeya
Xildhibaan Max’ed Cabdi yuusuf oo in muddo ah si aad ah uga soo horjeeday siyaasada Madaxweynaha ayaa sheegay in system dalka Soomaaliya qaatey yahay Parlamentary System sidaas darteedna Barlamaanka kaliya yahay cida awood sharciga u leh in mooshin kaga keeno Ra’iisul Wasaaraha ama kalsoonida kala laabtaan ka keeni kara, kana qaadi kara xilka balse ay khaladba tahay in Madaxweyne Xasan Sheekh ka codsado Istiqaalad amaba mooshin ka keeno.
Dhageyso Xildhibaan Max’ed Abdi Yuusuf:[audio://https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/11/dooda2Xildhibaan.mp3]Xildhibaan Xoosha Jibriil Oo Kamid ah Barlmaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay khilaafka iminka u dhaxeeya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cabdi Faarax Shirdoon,isagoona ku tilmaamay khilaafkaasi inay haboon tahay in Saacid uu iscasilo.
Dhanka kale Xildhibaan C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa wuxuu sheegay in loo baahan yahay xilligaan in isbedelo la gaaro, isagoona isbadalkaasi ku sheegay inuu ku imaan karo in dalabka ka yimid madaxweynaha Soomaaliya oo ku aadanaa in raysal wasaare Saacid uu xilka isaga dego.
Dhageyso C/raxmaan Xoosh Jibriil oo ayidsan go’aanka Madaxweynaha [audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2013/11/XooshDifaaceyMadaxweynaha.mp3]
Mudooyinkii ugu danbeeyay waxaa cirka isku sii shareeyay khilaafka u dhaxeeya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo raysal wasaare Saacid.