Dhageyso: Xildhibaan Ka Tirsan BKGS Oo Ka Qeylo Dhaamiyey Macluusha iyo Dhibaatooyinka Ka Tagaan Degmada Waajid

0
315

Baydhabo(INO)- Xildhibaan Nuur  Isaaq Sheekh oo Ka mid ah Mundaayaaha Baarlamanka Dowlada Koonfur Gaalbeed Soomaaliya oo ku sugun Magaalada Baydhabo Ee Xarunta Gobolka Bay ayaa ka Warbixiyey xaalada Aminiga Iyo noolal xumo ka taagan Degmada waajid.

Xildhibaanka  ayaa sheegey in degmada ay ku jirto dhibaatooyin badan oo kamid macluul isugu jirto biyo la’aan iyo cunto xumo Isagoona Xusey in  Degmadaas  ay go’doomiyeen Maleeshiyada Al-shabab Ee Soomaaliya.

Xildhibaan Nuur Isaaq Sheekh ayaa ka codsadey Dowlada Dhexe iyo  kuwa daneeya in ay u gar gaaraan ayna u furantahay in wax u qabtaan sida hay’adaha Samafalka iyo shaqsiyaadka jacel in umada wax u qabtaan.

Xidhibaanka ayaa sidoo kale sheegey In qof welba oo wax uqabto Shacabka Ku Nool Degmadaas in ay soo dhaweeynayaan si wax looga qabto arimaha Bini’aadanimo Ee Waajid Ee Gobolka Bakool.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa sheegey in indhaha  ay Ku hayso Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya  iyo DFS.

Halkan Ka Dhageyso

Wariye Cali Ilyaas, Warbaahinta

Idale News Online, Baydhabo

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here