Kismaayo(INO)- Xildhibaan Cabdiwahaab Ugaas Khaliif oo kamid ahaa Mudanayaashii baarlamaanka Soomaaliya ee ka qeybgalay fadhigii magaalada Kismaayo ku soo dhamaaday shalay ayaa eeda fashilka wada xaajoodyadan dusha ka saaray Dowlada Goboleedyada Galmudug & Koonfur Galbeed, oo ay gadaal ka riixayaan aragtiyada Madaxda dawladda Soomaaliya.
Xildhibaanka ayaa sheegay in ay Puntland & Jubba ogolaadeen in ay qodobada qaarkood Tanaasulaad ka sameeyaan, gaar ahaana arrimaha la xariira in Labada Aqal mid kamid ah lagu soo xulo deegaan, halka mid kalena laga dhigo Nidaamka Beelaha, balse ay waxba tanaasul ah diideen dhinacyada kale.
Ugu dambeyntii, Xildhibaanka ayaa sheegey in sababta shirka la burburey tahay kadib markii Galmudug iyo Koonfur Galbeed tanaasul ka sameyn waayeen mowqifkooda ku aadan 4.5 in lagu soo xulo dhamaan xildhibanada Barlamanka.
Halkan Ka Dhageyso Codka
Idale News Online, Kismaayo