Baydhabo(INO)- Xildhibaan Idiris Cabdi takhtar oo ka mid ah Xildhibaanada BFS oo dhawaan u tartamey Qabashada Jagada Gudoonka Baarlamanka Soomaaliya ayaa ka hadley sababta ku kaliftey inuu u tartamo Kursigaas.
Wuxuu meesha ka saarey balan uu sheegey Madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya inay dhexmartey Xildhibaanada Baaarlamanka Soomaaliya Ee Soojeeda Beesha DM iyo isaga.
Xildhibaan Idiris ayaa tilmaamey in Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig uu ka mid yahay ragii sameeyey Maamulka Bakool sare ee ka dhisan Degmada Ceelberde Ee Gobolka Bakool.
Wuxu sidoo kale Xusay in qof kasta ra’yigiis xur u yahay isla markaana isku daygiisa Ee Gudoonka Baarlamanka Somalia ay sii galinayso Hor ugu socoshada Siyaasada Dalka.
Halkan Ka Dhageyso
Wariye Mukhtar Dalmar
Idale News Online, Muqdishi