Muqdisho(INO)- Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa si kulul u weeraray beesha Caalamka & Madaxweynaha dawladda Faderaalka Xassan Sheekh Maxamuud, isagoo sheegay in ay Soomaaliya ay ku jirto gumeysi ay qeyb ka yihiin wadamada Reer Galbeedka.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Soomaaliya meeshii la rabey in la gaarsiiyo 2016-ka meel ka hooseysa la dhigay, isagoo eeda oo dhan dusha ka saaray Madaxweynaha dawladda faderaalka oo ahaa shaqsigii balan qaaday in uu dalkan wax badan ka qaban doono.
Xildhibaan Xoosh wuxuu sheegay in ay marar badan isku dayeen in la Xisaabtam adag la yeeshaan Madaxweynaha, balse ay si adag cadaadis iyo amaro uga yimaadeen Beesha Caalamka, oo diidey haba yaraatee in wax la xisaabtam ah lala yeesho Xassan Sheekh Maxamuud.
Ujeedada diidmadaas ayuu sheegay in ay tahay, maadaama aysan dooneyn bulshada Caalamku in ay nabad ka dhacdo Soomaaliya, ayna waligeed ahaato kooxo is dagaala iyo maalinba Siyaasad cusub oo fool xun.
Xildhibaanka ayaa cadeeyey in qaraarkii dhawaan ka soo baxay magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, ee ay soo saareen bulshada Caalamka lagu sheegay in qorshaha la xariira doorashada dhaw ay maamuli doonaan Beesha Caalamka & Urur gobaleedka IGAD oo ah dawladda Itoobiya, taasna ay muujinayso in uu dalka Soomaaliya ku jiro gumeysi dad-ban.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Muqdisho