Mid ka mid ah xildhibaanada taageersan Ra’iisul Wasaare Cabdi Faarax shirdoon “Saacid” isla ma rkaasna aad uga shaqeynaaya in uu ra’iisul wasaaruhu helo codka kalsoonida barlamaanka ayaa sheegay in waxba kama jiraan tahay in ay xildhibaanada qaranka ay yihiin kuwa la haysteyaal ah oo labada dhinaca ee khilaafka ka dhaxeeyo lacago ka qaata.
Xildhibaan C/ladiif Muuse Nuur oo ku magac dheer Sanyare oo sheegay in maalinta sabtida soo socota ay dhowrayaan in barlamaanka la keeno mooshin sharci ah oo ay ku saxiixan yihiin oo kaliya 55 xildhibaan, ka dibna 5 cisho ay kaga soo baaraan degi doonaan amaba laga doodi doono isla maaalintaas inta aan codka kalsoonida loo qaadin ra’iisul wasaaraha.
Wuxuu xildhibaanka oo idaacada maxaliga magaalada Muqdisho la hadlaayey sheegay in aysan waxba ka jirin wararka been abuurka ah ee xildhibaanada laga fidiyey isla markasna ay tahay Dacaayad laga Fidinayo Wuxuu shegay in Madaxweynaha uu yahay Madaxweynihii Dalka isla markasna aysan Mid Tageersanayn isaga iyo Riisul Wasaare Saacid.
Idale News Online