Dhageyso: Xildhibaan C/fataax Geesey Oo Sheegay in Abaaro Baahsan Ay Ka Jiraan Deegaanada Koonfur Galbeed

0
181

Baydhabo(INO)– Xildhibaan C/fataax Maxamed Ibrahim Geesey oo ka mid ah Mudanaayasha Baarlamanka Dowlada Federaalka Ee Soomaaliya  oo Maanta Shir Jaraa’id Ku qabtey Magaalada Muqdisho ayaa Sheegay in Abaaro Baahsan ay ka jiraan Deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa xustey in Magaalad Baydhabo uu ka dilaacey Cudurka Shuban biyoodka isla markaana waxa uu baaqay Bulshada Soomaaliya, DFS iyo Beesha Caalamka inay Gargaar la gaaraan Dadka abaarahu iyo Biyo la’aanta  saameysey, isagoona Sido kale Codsadey in wax laga qabto Cudurka Shuban biyoodka.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Muqdisho