Dhageyso: Xildhibaan Afaraalle Oo Puntland Ugu Baaqay Joojinta Tacadiyada Dadka Ka Soo Jeeda KGS

0
189

Baydhabo(INO) – Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamanka Soomaaliya oo maanta kullan Ku yeeshey magaalada Muqdisho ayaa Maamul Goboleedka Puntlanad ugu baaqeen Joojinta Tacadiyada Loo Geysanaayo Dadka Ka SooJeeda Koonfur Galbeed Soomaaliya kuwaasoo Puntland ku gurtey Xabsiyada Degaanadeeda.

Xildhibaanada ayaa waxay Sheegeen in dadkaas ay ka soo barakaceen Abaarta Ka Jirta Soomaaliya isla markaana waxay Ka Codsadeen hadii ay dhib ku qabto ay u soo wareejiso Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ama Dowlada Dhexe.

Xildhibaan Maxamed Isaaq Afaraalle oo ka mid Mudanaayasha Aqalka Hoose Ee Somalia ayaa Maamulka Puntland ku eedayey Faruuq Gooni ah oo ay ku hayso dadka ku hadla Luuqada MAAYGa kuwaasoo in badan ay ka Shaqeystaan Degaanada Maamulka Puntland isla markaana Bixiya Canshuurta  Guud Ee Maamulka Qaada oo Mushahaaraadka Looga Dhigo Ciidanka iyo Shaqaallaha Dowlad Goboleedka Puntland.

Xildhibaanka ayaa ugu baaqay  Dowlada Dhexe iyo Hay’adaha Xuquuqul insaanka inay wax ka qabtaan Tacadiyada Joogtada ah ee Puntland ay la beegsaneyso Bulshada KGS Ee Ku dhaqanka Degaanada Maamulkaas, Xili ay jirto Abaar daram iyo Shuban Biyood,

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Baydhabo