Dhageyso Xildhibaan Afaraale: “Mooshinka looga soo horjeedo Barlamaanka Jubba waa saxitaan iyo in nidaamka Dalka dib lagu soo celiyo”

0
199

Muqdisho(INO)-Xildhibaan Maxamed Xuseen Afaraale oo la hadlaayay idaacada BBC ayaa sheegay in mooshinka looga soo horjeedo maamulka KMG ee Jubba uu yahay mid la doonaayaa in dhismaha maamulkaas lagu saxo isla markaasna ay tahay in sharciga dalka iyo nidaamka federaalka dalka  dib loogu soo celiyo.

afaraale

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in mooshinka ay wadaan inta badan xildhibaanada dowlada federaalka Soomaaliya uu yahay mid waafaqsan qodobo dhowr ah oo Dastuurka dalka u yaala ah, Sidaas darteedna mooshinkoodu uusan aheyn mid laabla kac iyo dano gaar ah ay xildhibaanadu ka leeyihiin, loona codeyn doono dhowaan.

Muranka Jubbaland ka jira oo in muddo ah soo jiitamaayey, ayaa haatan waxuu gaarey heerkii ugu sareeyey iyadoo labada maamul ee Jubba iyo Koonfur Galbeed midna midka kale idaacadaha isu marinaaya hadalo aad u kulkul oo maamul kastaa uu ku difaacaayo lahaanshaha iyo go’aankooda ku aadan goboladda Jubbooyinka iyo Gedo.

Idale News Online. Muqdisho

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here