Garbaharey(INO)-Magaalada Garbahaarey Ee Xarunta Gobalka Gedo waxaa baryihii dambe ka taagnaa muran iyo isqabqasi ay ku dhinteen dad shacab ah oo ay ku jirto haweeney xaamilo ahayd.
Nabadoon Buraale Jaamac Deer oo ah guddoomiyaha guurtida Degmada Garbahaarey Ee Gobolka Gedo wuxuu uu sheegay in xaaladdu hadda ay deggan oo ay socdaan waan-waan lagu qaboojinayo xiisaddani.
Wuxuu tilmaamay in mid kamid ah raggii wax dilay la hayo isla markaana maxkamad la soo taagayo, ciidamo si beeleysan u abaabulan ayuu carrabaabay in magaalada ay ku sagan yihiin.Nolosha magaalada ayay saameysay arrintani.
Waxgaradka iyo Culumada Garbahaarey ayaa ka arrinsanaya arrintani oo hadda ku jira xalka sidii loogu heli lahaa.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Garbahaarey