Muqdisho(INMO)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa ka hadlay xiriirka u dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo sidoo kale Imaaraadka Carabta.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in maalmahaan ay socdeen dicaayado lagu waxyeelleynayo xiriirka iyo saaxiibnimada u dhaxeeya Imaaraadka iyo Soomaaliya, taasina ay been abuur tahay, Waxaana uu sheegay in xiriir wanaagsan uu ka dhaxeeya dalalka Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.
Xasan Sheekh Maxamuud hoggaanka dalka ayaa xusay in dowladda Imaaraadka ay taageero weyn ay siiso shacabka Soomaaliyeed.
Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo sidoo kale Imaaraadka ayuu ku tilmaamay in uu yahay mid soo jireen ah , islamarkaana sii jiri doona.
Hadalka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kusoo beegmaya xilli Maalmihii lasoo dhaafay ay jireen warar sheegaya in uu xumaaday xiriirka ka dhaxeeya hoggaanka dalka iyo sidoo kale dowladda Imaaraadka carabta.