Dhageyso: Xaliimo Yareey oo ka hadashay Guddiga doorasha ee uu Madaxweynaha magacaabay

0
361

Muqdisho(INO)- Guddoomiyaha Guddiga Madaxabanaan ee doorashada Soomaaliya Xaliimo Ismaciil Ibraahim ayaa sheegtay in aysan isku shaqo ahayn Guddiga uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh ee diyaarinaya doorashada 2016ka.

Xaliimo waxaa ay sheegtay in Guddiga ay iyada Guddoomiyaha ka tahay ay Shaqadoodu tahay doorashada dalka ka dhaceysa 2020ka ee Qof iyo Codka ah.

Waxaa ay Guddigani ku sheegtay in ay yihiin kuwo la  mid ah Guddigii doorashada ee 2012kii dhisay Dowladda hadda jirta oo ay isla iyada Guddoomiyaha ka ahayd.

Guddiga doorashada ee uu magacaabay Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa waxaa ay ka kooban yihiin 22 Xubnood oo shan ka mid ah ay Wasiirro yihiin,waxaana ku jira Xubno ka socda Dolwadda Gboleedyada iyo Aqoonyahannada Soomaaliyeed.

Halkan Ka Dhageyso

Xafiiska Warqabadka Idale News Online, Baydhabo
Email: Idalenewsonline@gmail.com Baydhaba Janaay