Dhageyso: Xaalada Degmada Waajid Ee Gobolka Bakool Oo Laga Deyriyay

0
228

Waajid(INO)- Xildhibaano iyo Siyaasiyiin ka soo jeeda Degmada Waajid ee Gobolka Bakool oo Maanta kulan ku yeeshay ayaa qeylo dhaan ka muujiyay xaalada nololeed ee Degmada Waajid.

Ugaan Cali oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Dowlada Koofur galbeed ayaa sheegay in ay xaalad adag ka jirto degmada Waajid, oo ay dhibaateysan yihiin dadka ku nool degmada Waajid.

Waxa uu xusay in Degmada Waajid ay go’doon ku jirto oo aysan geli Karin baabuur iyo Hay’ado dadkaasi u wado gurmad.

Sidoo kale waxaa kulanka ka hadlay Siyaasiyiin iyo Odayaal ka soo jeeda Degmada Waajid waxayna sheegeen in Madaxda maamulka koofur galbeed soomaaliya laga doonayo in ay xal u raadiyaan Degmadaasi.

Waxay tilmaameen in loo baahan yahay in laga wada qeyb qaato u gargaarida dadka ku dhibaateysan Degmada Waajid.

Halkan Ka Dhageyso

Idale News Online, Waajid

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here