Xudur(INO)- Iyadoo gabi ahaanba uusan da’in roobka caadiga ahaa Sanadank Ee Gobolka Bakool waxaa ragaadiyay degaanada hoosyimaada gobolka Gobolka Bakool abaar adag oo si wayn u saameeysay dadka reer miiyiga ah ee noloshooda ku tiirsanayd Dhaqashada xoolaha Nool.
Gudoomiye Ku Xigeenka Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool Aaden Cabdi Abaarey ayaa Shabakada IdaleNews.com u sheegey in boqolaal Qoys oo saameysey abaarta ay soo ku hayaameen Degmooyinka ay soo buux dhaafiyeen Degmada Xudur, Kuwaas aysan helin Gargaar Deg Deg ah.
Wuxuu sheegay in abaarta ka jirta Guud ahaan Dalka Soomaaliya Gaar ahaan Gobolka Bakool ay tahay mid aad u daba dheeraatay isla markaana saamayn xoogan ku yeelatay dadka yo duunyada.
“ Col iyo Abaar ayaa ku habsatey Gobolka Bakool, Inta badan way go’doonsan yihiin Wadooyinka Degmooyinka Galla” ayuu yiri Gudoomiye Abaarey.
Waxa uu xustey inay sii adkaaneyso Xaalada Abaarta Ee Gobolkaas Isagoona ka digey in Gobolku uu galo Xalaad Macluul ah isla markaana waxa laga cabsi qaba in dadka barakacyaasha ah uu ku dhaco Cudurka Shuban Biyoodka.
Gudoomiyaha ayaa si quto dheer ugu hadlay heerka ay marayso abaarta baaxada leh ee ka jirta Gobolka Bakool, wuxuuna ku baaqay in mucaawimo deg deg ah lala soo gaaro dadka abaartu saamaysay Ee Ku dhibaateysan Gobolka.
“xaalada abaareed ee ka jirta guud ahaan Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Bakool waa mid saamayn xooga ku yeelatay dadkii iyo duunyadiiba, xoolihii badan koodu waa ka dhamadeen dadka reer guuraaga ah, dadkiina waa ay soo xeroodeen badan koodu iyagoo imanaya degmooyinka iyo tuulooyinka Gobolka, abaartan ka jirta Gobolkan waxa ay u baahan tahay xal, talabadaa koowaadna waa mid ah runtii in dad lala soo gaaro macaawimo deg deg ah Biyo, Cunto iyo Daawo, tan labaadna waxaa weeyey sidii looga gaashaaban lahaa abaartan soo laalaabatay xal waarana looga gaari lahaa’’ ayuu yiri Gudoomiye Aaden Cabdi Abaarey.
Si Kastaba ha ahaatee, Dhawaan waxaa Magaalada Baydhabo Ee Xarunta soo Gaarey Boqolaal Qoys oo ka soo barakacey Gobolka Bakool kuwaasoo Dalbadey in loo sameeyeeyo Gurmud deg deg ah.
Gabagabadii Gudoomiyaha Ku Xigeenka Degmada Xudur Aaden Cabdi Abaarey wuxuu baaq u diray ummada Soomaliyeed, shacabka reer Koonfur Galbeed Soomaaliya, beesha caalamka iyo hay’adaha ku hawlan arimaha bani’aadantinimada in ay ka qayb qaataan gurmadka loo fidinaayo dadka abaartu saamaysay.