Dhageyso: Waxgaradka Gedo Oo Ka Hadlay Halka Uu Marayo Soo Xulista Baarlamaanka Jubba

0
211

Doolow(INO)-Waxgaradka ku sugan degmada Doolow ee gobalka Gedo ayaa ka hadlay halka ay marayso soo xulista xildhibaanada baarlamaanka maamulka KMG ee Jubba, taasi oo qeybta kaga soo aaday Gedo lagu xulayo degmadaasi.

fartaag

Nabadoon Daahir Yuusuf Aadan oo u waramay Warbaahinta  ayaa sheegay in xilligaan meel wanaagsan ay marayso arinta soo xulista ah, taa oo ay wadaan odayaasha dhaqanka gobalka Gedo.

Waxa uu sheegay Nabadoonka in dhammaan degmooyinka gobalka Gedo laga soo xulayo xildhibaanada, Odayaashii degmooyinkaasina halkaasi ay joogaan.

Degmada Doolow waxaa ku sugan wafdi uu hogaaminayo madaxweyne ku xigeenka maamulka Jubba Jeneraal Fartaag, kuwaasi oo halkaa u tagay sidii loo soo xuli lahaa xildhibaanada baarlmaanka maamulkaasi.

Halkan Ka Dhageyso.

Afhayeenka Jubba Cabdinaasir Seeraar Maax oo isna kol sii horeysay la hadlay warbaahinta waxa uu sheegay in ay soo gaba gabowday qorshihii Odayaasha lagu keenayay degmada Doolow, islamarkaana haatan la guda galayo xildhibaanada in la xulo.

Idale  News Online, Dolow, Gedo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here