Buurhakaba(INO)- Waxgaradka iyo Odayaasha Degmada Buurhakaba Ee Gobolka Bay ayaa Wax laga xumaado ku tilmaamay Wareegtadii ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Dowladaha hoose Ee KGS Isla markaana sida ay sheegeen aan wax wada tashiyo ah kala yeelan dadka degmadaasi degan sida hadalka u dhigeen.
Cabdiraxmaan Ibraahim Aadan (Sate) , Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa lagu eedaynayay in ay dadaka reer buurhakaba is ka horkeenayo.
Madaxweynaha Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aaden ayaa loogu baaqay in uu wax ka qabto dulankaasi
Waxgaradka iyo Odayaasha Degmada Buurhakaba ee Gobalka Bay ayaa mar ay halkaasi booqdeen Masuuliyiin ka tirsan Dowlad Gobaleedka Koonfur Galbeed si cad ugu sheegay in aan degmadaaasi loo soo magacaabin dad aan u dhalan ama aan waxna kala socon shacabka ku dhaqan degmadooda. Waxayna ka codsadeen madaxda dowlada Koonfur Galbeed in iyaga lagala tashato dadka madaxda looga dhigaayo.
Halkan Ka Dhageyso
Idale News Online, Buurhakaba